> 10 Cunto oo Ka Caawiya Calool-Fadhiga (Constipation Relief Foods) – Talooyin Fudud oo Degdeg Ah

10 Cunto oo Ka Caawinaya Calool-Fadhiga iyo Talooyin Fudud oo Degdeg Ah

cuntooyinka calool fadhiga ka caawiya

Calool-fadhigu waa xaalad qof walba mar uun la kulmo. Waxaa keeni kara: cunto fiber yar, cabitaan biyo la’aan, dhaqdhaqaaq jidheed oo yar, daawooyinka qaarkood, ama walwal. Laakiin nasiib wanaag, cuntooyin badan ayaa si dabiici ah u furfuri kara calool-fadhiga, u jilcin kara saxarada, una hagaajin kara dhaqdhaqaaqa mindhicirka (bowel movement).

Maqaalkan waxaan ku barayaa 10 ka mid ah cuntooyinka ugu waxtarka badan ee kaa caawin kara in calooshaadu si dabiici ah u shaqeyso, adigoo aan u baahnayn daawo xooggan.

cuntoyinka calosha socodsiya


 1. Muus (Banana) 

Muusku waa mid ka mid ah miraha ugu fudud ee caloosha ku hagaajiya. Waxaa ku jira fiber gaar ah oo loo yaqaan pectin, taas oo jilcisa saxarada.
Muuska bislaaday ayaa si gaar ah u wanaagsan, maadaama uu caloosha jilciyo oo dheefshiidka fududeeyo.

2. Babaayga 

 babayga waxay leedahay enzyme loo yaqaan papain, kaas oo kala jebiya cuntooyinka si jidhku u dheefshiido si degdeg ah.
Waxay gubtaa baruurta, waxayna si degdeg ah u yareysaa calool-fadhiga.
Babaygu fresh ah ku dar quraacda ama cun inta u dhaxeysa qadada iyo cashada.

 3. Liin Macaan & Biyo Kulul

Liin macaan (lemon) marka lagu daro biyo kulul waxay dhaqaajisaa mindhicirka, waxayna jidhka ka saartaa toxins.


Cab subax kasta koob biyo kulul ah + liin macaan si caloosha loo dhaqaajiyo.

 4. Dango & Digiraha 

Dango, digir, sabuul, iyo beans kale waa cuntooyin fiber aad u sarreeya leh.
Waxay jilciyaan saxarada
Waxay kiciyaan dhaq-dhaqaaqa mindhicirka
Waxay ka hortagaan calool-fadhiga joogtada ah

 5. Casiirka Lawska 

Timirta waa cunto ka shaqaysa sidii “laxative natural”.

  • Waxay ku jiraan fiber soluble ah
  • Waxay dhaqaaqsiisaa caloosha
  • Waxay si degdeg ah u jilcisaa saxarada

Cun 3–5 xabbo oo timir ah subax kasta si loo yareeyo calool-fadhiga.

 6. Casiirka Canabka 

Prune juice (casiirka canabka madow) waxaa lagu yaqaan inuu dabciyo caloosha.

Waxaa ku jira sorbitol – oo ah maadad jilcisa  caloosha
Cun 1 koob maalintii haddii calooshu fadhiisato.

7. Cuntooyinka Leh Qamadiga , Rooti Brown

Qamadiga  iyo rootiga brown-ka wuxuu ku jiraa fiber badan oo jilciya caloosha.
Ha cuni rootiga cad—waxaa ku yar fiber, wuxuuna xoojin karaa calool-fadhiga.
Bedel ku samee rooti whole-grain ama canjeero qamadi ah.

8. Yogurt 

Yogurt-ka dabiiciga ah wuxuu leeyahay probiotics, bakteeriyo hagaajiya dheefshiidka.
Waxay u sahlaysaa caloosha inay si dabiici ah u socoto.
Ku cun quraacda, ama ka dhig snack.

9. Cambaha (Mango) 

Cambaha wuxuu leeyahay enzymes kala jebiya cuntooyinka (amylase), taas oo:

  • Waxay jilcisaa caloosha

  • Waxay kordhisaa dhaqaaqa mindhicirka

  • Waxay hagaajisaa dheefshiidka

Cun cambaha bisil  halkii aad ka isticmaali lahayd casiir sonkor leh.

10. Biyo Badan – Xalka Ugu Muhiimsan

Caloosha fadhiisinaysa badanaa waxay ka timaadaa jidh fuuqbaxay.
Cab 8–10 koob maalin kasta.
Haddii aad cunto fiber badan—waa inaad biyo badan cabtaa si fiber-ku u shaqeeyo.

Internal Link : https://honalives.com/fa-iidooyinka-biyaha-kulul-subaxdii/

External Link : https://www.medicoverhospitals.in/so/symptoms/constipation

Cuntooyinka Laga Fogaado Marka Calool-Fadhigu Jiro

  • Rooti cad

  • Caano badan oo aan lactose-free ahayn

  • Baradhada shiilan

  • Baruur aad u badan

  • Canjeero badan oo aan whole-grain/ qamadi  ahayn

Cuntooyinkani waxay caloosha ka dhigaan mid culus oo dhaqaaq gaabis ah.

Talooyin Degdeg ah oo Guriga Lagu Sameeyo

Cab biyo kulul + liin subax kasta
Samee 10 daqiiqo socod
Cun 2 muus oo bisil ama 1 babaay maalintii
Ku dar digiraha ama beans-ka 3 jeer usbuucii
Ku bilow maalintaada biyo + fiber (tufaax, qudaar)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Index