Timadadashada (Hair Loss) waa dhibaato si weyn ugu baahsan bulshada, kuna dhacda dumar iyo ragba Qaar waxay la kulmaan timo si tartiib ah u yaraada, halka qaar kalena ay si degdeg ah u waayaan timo badan. Inkastoo ay caadi tahay in qofku maalin walba ka daato timo tiro yar, haddana marka ay badato waxay noqotaa arrin walaac leh oo saameyn karta kalsoonida qofka.
Waa Maxay Timadadashadu?
Timadadashadu waa marka timaha madaxa ama jirka ay si xad-dhaaf ah u daataan ama ay istaagaan inay dib u koraan. Timaha bini’aadamka waxay maraan wareeg korriin, nasasho, iyo daadin. Marka wareeggan uu khaldamo, timadadasho ayaa dhacda.
Sababaha Ugu Waaweyn ee Timadadashada
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara timadadasho, waxaana ka mid ah:
-
Hidde-sidaha (Genetics):
Haddii qoyskaaga ay ka jirto taariikh timadadasho, fursadda aad adiguna ku yeelan karto way badan tahay. -
Walbahaar iyo Cadaadis Maskaxeed:
Walbahaarka joogtada ah wuxuu carqaladeeyaa wareegga timaha, taasoo keenta inay si degdeg ah u daataan. -
Nafaqo-darro:
Timaha waxay u baahan yihiin nafaqooyin sida birta, zinc, vitamin D, iyo protein. Nafaqo la’aan waxay sababtaa timo daciif ah. -
Isbeddelka Hormoonnada:
Uurka, dhalmada kadib, ama dhibaatooyinka qanjirka thyroid-ka waxay sababi karaan timo lumis. -
Isticmaalka Kiimikooyin Xad-dhaaf ah:
Midabbada timaha, kululeeyeyaasha, iyo daawooyinka adag waxay dhaawacaan timaha iyo xididdadooda.
Calaamadaha Lagu Garto Timadadashada
- Timaha oo si badan u daata marka la shanleeyo
- Meelo bannaan oo madaxa ka soo baxa
- Timo khafiif noqda
-
Timaha oo si fudud u jaba
Sida Looga Hortagi Karo Timadadashada
Inkasta oo dhammaan noocyada timadadashada aan si buuxda loo joojin karin, haddana waxaa jira tallaabooyin wax ku ool ah:
-
Cunto Caafimaad Leh:
Cun khudaar, miro, laws, ukumo, kalluun, iyo cuntooyin hodan ku ah protein iyo vitaminno. -
Yaree Walbahaarka:
Jimicsi, nasasho, iyo cibaado waxay caawiyaan dejinta maskaxda. -
Daryeel Timo Oo Sax Ah:
Ka fogow shanleyn adag, timaha qoyan ha jiidin, isticmaalna saliid dabiici ah sida saliid saytuun ama qumbaha. -
Ka Fogaanshaha Kiimikooyinka:
Yaree isticmaalka midabada iyo qalab ka kululeeya timaha.
Daawooyin Dabiici ah
-
Saliidda Qumbaha: Waxay xoojisaa xididdada timaha
-
Basasha ama toon: Waxay kiciyaan koritaanka timaha
-
Aloe Vera: Waxay dejisaa maqaarka madaxa