Finanka wajiga waa dhibaato ay la kulmaan rag iyo dumarba, gaar ahaan dhalinyarada. Waxay keeni karaan niyad-jab, kalsooni darro iyo walwal badan. Dad badan waxay isticmaalaan kareemooyin kiimiko ah, balse mararka qaar waxay keeni karaan dhibaatooyin kale sida gubasho ama maqaarka oo qalala.
Si aad hesho talooyin kale oo ku sabsan quruxda dabiciga iyo nafaqada booqo qeebtena Healthy & Nutrition Link :https://honalives.com/timadadashada-hair-loss/
Maqaalkan waxa uu ku barayaa sida finanka wajiga looga saaro 7 maalmood gudahood adigoo isticmaalaya dawooyin dabiici ah oo ammaan ah,si aad uheli karto .
Maxaa Keena Finanka Wajiga?
Finanka wajiga waxa sababa arrimo kala duwan sida:
- Wasakh iyo dufan ku urura maqaarka
- Isbeddel hormoon
- Cunto aan caafimaad lahayn
- Hurdo yari
- Walwal iyo stress
- Nadaafad xumo
Haddii aan la daryeelin maqaarka, finanku way sii bataan.
Faa’iidada Daawooyinka Dabiiciga ah
Daawooyinka dabiiciga ah:
- Waa ammaan
- Waa raqiis
- Ma keenaan waxyeello badan
- Waxay quudiyaan maqaarka
- Waxay nadiifiyaan wajiga si tartiib ah
1️⃣ Malab – Daawada Koowaad ee Finanka
Malabku waa antibacteria dabiici ah.
Sida loo isticmaalo:
- Qaado malab saafi ah
- Ku mari wajiga
- Sug 20 daqiiqo
- Ku dhaq biyo diirran
Sida ay sheegtey healthline malabku wuxu leyahay antibacteria dabiici ah Link : http://nutrition/benefits-of-honey
2️⃣ Liin – Nadiifiye Dabiici ah
Liinta waxay dishaa jeermiska finanka sababa.
Sida loo isticmaalo:
- Isku dar liin iyo biyo yar
- Ku mari meelaha finanku yaallaan
- Sug 10 daqiiqo
- Ku dhaq biyo qabow
⚠️ Ha isticmaalin haddii maqaarkaagu xasaasi yahay.
3️⃣ Qaro (Aloe Vera)
Qaro waa daawo mucjiso ah.
Faa’iidooyinka:
- Waxay yareysaa finan
- Waxay bogsiisaa nabarada
- Waxay ka dhigtaa maqaarka mid jilicsan
4️⃣ Saliidda Qumbaha
Saliidda qumbaha waxay:
- dishaa bakteeriyada
- qoyaan siisaa maqaarka
- yareysaa casaanka
mari wajiga habeenkii kahor seexashada.
5️⃣ Nadaafadda Wajiga
Nadaafaddu waa furaha koowaad.
Samee:
- Wajiga ku dhaq subax & fiid
- Ha ku seexan adigoo make-up wata
- Isticmaal tuwaal nadiif ah
- Ha taaban wajigaaga gacmo wasakh ah
Sida ay sheegtey healthline malabku wuxu leyahay antibacteria dabiici ah Link:http://nutrition/benefits-of-honey
Cuntooyinka Ka Caawiya Finanka
Finanka kuma eka oo kaliya kareemo, cunto ayaa muhiim ah:
Cuntooyin fiican:
- Khudaar cagaaran
- Miraha (tufaax, moos, liin)
- Biyo badan
- Kalluun
- Laws
Ka fogow:
- Sonkor badan
- Cabitaan macaan
- Cunto dufan badan
Gunaanad
Finanka wajiga waa dhibaato caadi ah, balse xalkeedu maaha kiimiko kaliya. Daawooyinka dabiiciga ah sida malab, qaro, liin iyo saliid qumbaha waxay kaa caawin karaan inaad hesho maqaarka nadiif ah 7 maalmood gudahood haddii aad si joogto ah u isticmaasho.
Quruxdu maaha wax lacag badan u baahan, waa daryeel joogto ah iyo cunto caafimaad leh.
Si aad u hesho talooyin kale oo ku saabsan Cafimaadka , booqo qaybta Health &Nutirion ee website-keena Link : https://honalives.com/faaidooyinka-cabista-qaxwaha-maalin-kasta/