Calool-fadhigu waa xaalad qof walba mar uun la kulmo. Waxaa keeni kara: cunto fiber yar, cabitaan biyo la’aan, dhaqdhaqaaq jidheed oo yar, daawooyinka qaarkood, ama walwal. Laakiin nasiib wanaag, cuntooyin badan ayaa si dabiici ah u furfuri kara calool-fadhiga, u jilcin kara saxarada, una hagaajin kara dhaqdhaqaaqa mindhicirka (bowel movement).
Maqaalkan waxaan ku barayaa 10 ka mid ah cuntooyinka ugu waxtarka badan ee kaa caawin kara in calooshaadu si dabiici ah u shaqeyso, adigoo aan u baahnayn daawo xooggan.
1. Muus (Banana)
Muusku waa mid ka mid ah miraha ugu fudud ee caloosha ku hagaajiya. Waxaa ku jira fiber gaar ah oo loo yaqaan pectin, taas oo jilcisa saxarada.
➡ Muuska bislaaday ayaa si gaar ah u wanaagsan, maadaama uu caloosha jilciyo oo dheefshiidka fududeeyo.
2. Babaayga
babayga waxay leedahay enzyme loo yaqaan papain, kaas oo kala jebiya cuntooyinka si jidhku u dheefshiido si degdeg ah.
➡ Waxay gubtaa baruurta, waxayna si degdeg ah u yareysaa calool-fadhiga.
➡ Babaygu fresh ah ku dar quraacda ama cun inta u dhaxeysa qadada iyo cashada.
3. Liin Macaan & Biyo Kulul
Liin macaan (lemon) marka lagu daro biyo kulul waxay dhaqaajisaa mindhicirka, waxayna jidhka ka saartaa toxins.
➡ Cab subax kasta koob biyo kulul ah + liin macaan si caloosha loo dhaqaajiyo.
4. Dango & Digiraha
Dango, digir, sabuul, iyo beans kale waa cuntooyin fiber aad u sarreeya leh.
➡ Waxay jilciyaan saxarada
➡ Waxay kiciyaan dhaq-dhaqaaqa mindhicirka
➡ Waxay ka hortagaan calool-fadhiga joogtada ah
5. Casiirka Lawska
Timirta waa cunto ka shaqaysa sidii “laxative natural”.
- Waxay ku jiraan fiber soluble ah
- Waxay dhaqaaqsiisaa caloosha
- Waxay si degdeg ah u jilcisaa saxarada
➡ Cun 3–5 xabbo oo timir ah subax kasta si loo yareeyo calool-fadhiga.
6. Casiirka Canabka
Prune juice (casiirka canabka madow) waxaa lagu yaqaan inuu dabciyo caloosha.
➡ Waxaa ku jira sorbitol – oo ah maadad jilcisa caloosha
➡ Cun 1 koob maalintii haddii calooshu fadhiisato.
7. Cuntooyinka Leh Qamadiga , Rooti Brown
Qamadiga iyo rootiga brown-ka wuxuu ku jiraa fiber badan oo jilciya caloosha.
➡ Ha cuni rootiga cad—waxaa ku yar fiber, wuxuuna xoojin karaa calool-fadhiga.
➡ Bedel ku samee rooti whole-grain ama canjeero qamadi ah.
8. Yogurt
Yogurt-ka dabiiciga ah wuxuu leeyahay probiotics, bakteeriyo hagaajiya dheefshiidka.
➡ Waxay u sahlaysaa caloosha inay si dabiici ah u socoto.
➡ Ku cun quraacda, ama ka dhig snack.
9. Cambaha (Mango)
Cambaha wuxuu leeyahay enzymes kala jebiya cuntooyinka (amylase), taas oo:
-
Waxay jilcisaa caloosha
-
Waxay kordhisaa dhaqaaqa mindhicirka
-
Waxay hagaajisaa dheefshiidka
➡ Cun cambaha bisil halkii aad ka isticmaali lahayd casiir sonkor leh.
10. Biyo Badan – Xalka Ugu Muhiimsan
Caloosha fadhiisinaysa badanaa waxay ka timaadaa jidh fuuqbaxay.
➡ Cab 8–10 koob maalin kasta.
➡ Haddii aad cunto fiber badan—waa inaad biyo badan cabtaa si fiber-ku u shaqeeyo.
Internal Link : https://honalives.com/fa-iidooyinka-biyaha-kulul-subaxdii/
External Link : https://www.medicoverhospitals.in/so/symptoms/constipation
Cuntooyinka Laga Fogaado Marka Calool-Fadhigu Jiro
-
Rooti cad
-
Caano badan oo aan lactose-free ahayn
-
Baradhada shiilan
-
Baruur aad u badan
-
Canjeero badan oo aan whole-grain/ qamadi ahayn
Cuntooyinkani waxay caloosha ka dhigaan mid culus oo dhaqaaq gaabis ah.
⭐ Talooyin Degdeg ah oo Guriga Lagu Sameeyo
✔ Cab biyo kulul + liin subax kasta
✔ Samee 10 daqiiqo socod
✔ Cun 2 muus oo bisil ama 1 babaay maalintii
✔ Ku dar digiraha ama beans-ka 3 jeer usbuucii
✔ Ku bilow maalintaada biyo + fiber (tufaax, qudaar)